Kenya oo sheegtay inay ciidamadeeda sii joogi doonaan Soomaaliya

Nairobi (Raxanreeb) — Ciidamada Kenya ee ku hoos shaqeeya howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Kenya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyay wargeyska Nation Africa, ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya ay gacan ka geysanayaan sidii loo tayayn lahaa ciidamada Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale ayaa ballan qaaday in dowladiisa ay ku garab istaagi doonto Madaxweyne Xasan iyo shacabka Soomaaliyeed sidii dalkooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

In ka badan 4,000 askari ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya, iyagoo ku sugan deegaannada Jubbaland, kuwaas oo ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay in tirada ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya la dhimayo si ay qeyb uga noqdaan qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, balse weli qorshahaas uusan fulin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.