Aadan Barre Ducaale ” Ciidanka Kenya kama bixi doonaan Soomaaliya “

Aadan Barre Ducaale ” Ciidanka Kenya kama bixi doonaan Soomaaliya “

Nairobi ( Raxanreeb ) Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya , inta xasilooni lagu soo dabaalayo Soomaaliya.

Hadalkan waxaa sheegay Maanta oo Isniin ah Wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducalle.

”Ciidamada Kenya waxay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa nabadda laga soo celinayo”  ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in ciidanka Kenya ee ATMIS kaalin ay ka qaateen sida uu yiri howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Kenya ayaa Soomaaliya gaar ahaan goboladda Jubboyinka iyo Gedo ka howlgalayay ku dhawaad sagaal sano manajirto guulo lataaban karo oo ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.