Khaatumo oo ka xumaatay in aysan ka qayb galin shirka madasha wadatashiga

Khaatumo oo ka xumaatay in aysan ka qayb galin shirka madasha wadatashiga

Laascanood (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isugu yeeray dhamaan madaxda maamul goboleedyada si ay u yeesheen shir looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkan waxaa lagu casuumay madaxda maamulada marka laga reebo maamulka dhawaan galka ah ee Khaatumo oo  la filayay inay qayb ka noqdaan shirarka looga hadlayo xaaladda dalka.

Maamulka  Khaatumo war uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu aad ugu xumaaday talaabada ay qaaday Villa Soomaaliya ee shirka loogu reebay maamulkooda.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo ka mid ah waxgaradka SSC Khaatumo ayaa sheegay  in wax laga xumaado ay tahay in laga  tago maamulkooda maadama la aqoonsaday.

“In nala aqoonsadaa moodaayay, tolow ma Somaliland baa geed ugu xidhanahay oo lanala sugayaa?” ayuu yiri  Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale.

Si kastaba marka laga yimaado carada SSC Khaatumo ay ka qabto shirka ayaa hadana  iska diiday Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.