NewYork (Raxanreeb )- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood adag waxa ay ka leeyihiin xaalada ka sii daraysa ee Falastiin iyo Israa’’iil halkaas oo wali ay ka sii socdaan dqeymaha ay gaysanayaan diyaaraha israa’iil.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ayaa ka dooday ajande ku saabsan in falastiin loo aqoonsado dowlad madaxbannaan, islamarkaana ay xubin buuxda ka noqato Golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay.
Golaha uu ka jawaabaya codsi ay hore ugu gudbisay Falastiin oo ku saabsanaa in dowladda gaar ah loo aqoonsado ayaa isku raaci waayay inay soo jeediyaan talo midaysan oo arrintaa la xariirta, taas oo la xiriirta codsigii 2012.
Maamulka Falastiiniyiinta ayaa weli rajaynaya in15-ka xubnood ee Golaha Ammaanku ay u codeeyaan qaraar qabyo ah oo ku talinaya inay xubin buuxda ka noqoto hay’adaha Qaramada Midoobay, islamarkaana qaran madaxbannaan loo aqoonsado.
Gaza waxaa ka sii socda weerarada joogtada ah ee ay gaysanayaan ciidanka Israa’’il halkaas oo laga soo sheegayo xaalad macluul oo aad u daran.
Leave a Reply