Garowe (Raxanreeb) — Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad u diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo in uu Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.
Maxamuud Caydiid Dir, wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa sheegay in Puntland marnaba aysan ka qeeyb galeeyn shirka golaha wadatashoga qaran, welina halkiisii yahay go’aanka ay xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka.
“Cid kala qaybgaleyso koley oo Puntland ah ma jirto, illaa ay kusoo noqonayaan xeyndaabka dowladnimada” ayuu Wasiirka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan aqoonsaneeyn Puntland, dowlad rasmi ah, oo haatan ka jirta dalka, wuxuuna ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu meesha ka saaray dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa.
“Dowladdii hore ee dalka, haddii uu dastuurkeedii meesha ka baxay, muddo xileedkeediina wuu ka baxay , mana aaminsanin inay dowlad jirto” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.
Puntlabd ayaa shuruud ku xirtay ka qaybgalka shirka, waxayna sheegtay in wax weliba ay ka horreeyaan in marka hore lagu soo noqdo xeyndaabka dowladnimada.
“Inay sharciyadda kusoo noqoto ayaa ka horreyso iyo xeyndaabka dowladnimada Soomaaliyeed, waxay abaabuleen wax iyaga u gaar ah” ayuu yuri markale.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isugu yeeray madaxda kale ee maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka dalka, ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Hadalka Puntland, ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya uu shir ku wada casuumay madaxweynaha Puntland iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka dalka, ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.