Khilaaf miyaa ka jira Guddiga Dhismaha Ciidanka Gobolka Hiiraan ?

Khilaaf miyaa ka jira Guddiga Dhismaha Ciidanka Gobolka Hiiraan ?

Beledwayne (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay Guddi u jeedkiisu ahaa dhismaha ciidanka Qalabka sida kuwaas oo ka qayb- qaata wax ka qabashada xaaladaha ka jira Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jayte oo wax badan ka soo muuqday goobaha dagaalka ee Hiiraan ayaa sheegay in sababta uga baxay Guddigan ay tahay sida uu yiri , isaga oo ku howlan la dagaalanka kooxda Al- Shabaab.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Cali Jayte ,inuu diyaar u yahay inuu wax ku biiriyo ciidanka la dhisayo hase ahaatee waxa uu sheegay in ay jiraan howlo baaxad leh oo hor yaal isaga.

Hase ahaatee war soo baxaya aya sheegaya in Guddoomiye Cali Jayte oo safka hore – kaga jira dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ay tahay isaga oo ka goys adeegaya habka dhismaha Guddigan.

Ilo xog- ogaal ah ah ayaa sheegaya in tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan dhismaha ciidanka Qalabka sida ee Hiiraan ay soo baxayeen tabashooyin laga qabay hanaanka loo wajahayo.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada isha lagu hayo ee uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

in ciidan tayo leh loo dhiso ayaa la saadalinayaa in wax badan ay tari doonto xaalada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab , kaas oo u buc u ahaa deegaanada gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.