WARBIXIN : Safarka Guddoomiye Aadan Madoobe Xudur & Khilaafka Doorashada KGS

WARBIXIN : Safarka Guddoomiye Aadan Madoobe Xudur & Khilaafka Doorashada KGS

Xudur (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa safar ku tagay Xudur , marka laga soo tago socdaalkaas oo daaran xaaladda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed hadana waxaa jira culays u baahan in laga dejiyo dadka deegaanada maamulkaas ku nool.

Siyaasadda Koonfur Galbeed oo ah mid hubinti la’aan ay ka jirto ayaa hadana waxaa soo baxaya hanjaabyo joogta ah oo ka dhashay muddo xilkeedka Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Degmada Xudur oo go’doonsan oo looba baahan yahay in marxaladaas wax laga qabto ayaa hadana waxa looga fadhiyo Guddoomiyaha Barlaanka Aadan Madoobe ayaa ah dejinta xasaaradaha ka dhashay doorasho waqtigeeda ku dhacdo oo ka qabsoonto Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay kol hore gogol dib u heshisiin iyo isu keenista mucaaradka iyo muxaafidka ayaa waxaa wali muuqan i dhaqaajinta , gogosha nabadda ah ee fidsan ee uu isaga ku baaqay.

inuu ka soo laabto Degmada Xudur , iyadoo aan jirin natiijo la taaban karo ayaa loo arkaa mid aan bixin doonin ifafaalo u waanagsan qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay oo ka dhacda deegaanada koonfur Galbeed .

Mucaaraadka ku sugan Muqdisho ee aan tagi karin Baydhabo ayaa qaba aragti ah in la isugu yimaado meel dhaxaad iyo in la soo daayo xubno siyaasiin ah oo u xir xiran Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cadicasiis Laftagareen .

”Haddii Gudoomiyaha Golaha shacabka uu natiijo fiican ka keeni karo laftagareen waa wax wanaagsan laakiin ila muuqato arintaas waxa ay ila tahay in faraha la isla tagi doono haddii aan wax xal ah laga f gaarin doorashada ” sidaas waxaa RBC u sheegay , Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.

Walaac – badan ayaa ku hareeraysan safarka Guddoomiyaha golaha shacabka ee degmada Xudur taas oo ay muujiyaan siyaasiinta doonaysa in xilka laga tuuro , Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya dhankeeda ma muuqato wax kaalin ah oo kaga aadan , khilaafka doorasho ee koonfur Galbeed iyo muranka ka dhashay xil – haynta Madaxwayne Cabdicasiis Laftgareen , marka la soo tago hadal wali aan dhaqan galin oo Guddoomiyaha Barlamaanka uu sheegay kaas oo ahaa isu keenista dhinacyada is diidan.

Xil isku dhejinta maamulka oo aan ahayn dhaqan wanaagsan ayaa la aamisan yahay in hoggaamiyaha ay ku keeni karto cawaaqib xumo marka dambe salka dhigata meel aan laga soo kabsan karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.