Koofi sidii ugu hadlay go’aankii ay ka gaartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ?.

Koofi sidii ugu hadlay go’aankii ay ka gaartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ?.

Nairobi (Raxanreeb )- Ka dib markii go’aan  Maxkamada gobolka Banaadir ay ka soo saartay kiiskii ku saabsanaa musuq maasuqa ayaa arrintaas waxaa ka hadlay Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka mid ah dadka la haystay.

War qoraal ah oo uu ku daabacay bogiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka Maxakamada oo uu yiri waa mid cadalaad ku salaysan.

Waxa uu ku  bilaabay qoralkiisa Koofi.

‘’Waxaan ku faraxsanahey, soona dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Gobolka Benaadir ay iiga bari yeeshey eedeymihii la soo abaabuley.

Go’aankaani wuxuu garab istaagey xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed. Diidmada maxkamadda ee eedeymiha la soo abaabuley oo xariir la lahaa hammigeyga ku wajahan madaxtinimada Galmudug, waxay caddeyn u tahey in Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba aysan ogolaaneyn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada.

Sooyaalkeyga waxaa ku dhiggan in aan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto ugu adeegay dadkeyga Soomaaliyeed, ugana qeyb qaatey difaaca dalkeyga, aniga soo qabtey xilal iyo masuuliyado kala duwan oo isugu jirey amni, difaac, socdaal iyo qaar kale. Mudadaas aan qarankeyga u shaqeynayey waxay nafteydu halis gashey in ka badan toban jeer, iyada oo dhaawacyadii qaarkood iga soo gaarey aan weli la tacaalayo.

Waxaan dadkeyga Soomaaliyeed u ballan qaadayaa in aanan ka siiban doonin dhaqanka hufnaanta iyo daacadnimada ee la igu yaqaaney, wax saameyn ahna aysan igu yeelan doonin eedeymaha aan sugneyn ee la iga sameeyey, kuwaas oo maanta ay maxkamaddu meeshaba ka saartey.

Waxaan u mahadcelinayaa qareenadeyda sida hagar la’aanta ah ii difaacey iyo garsoorka maxkamadda oo iyaguna caddaaladda fuliyey. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga Dr. Asma Cabdullaahi Sheekh iyo sidoo kale, asxaabta iyo taageereyaasha i garab taagnaa muddada ay dacwadu socotey ‘’

Mahad badan

Dr. Maxamed Aadan Koofi

Leave a Reply

Your email address will not be published.