Koox Islaami oo Ciraaq ka howlgasha oo weerar cirka ah kuqaaday Isra’iil.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Kooxda lwax iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq ayaa sheegtay in ay weerar diyaaradeed ku qaadeen bartilmaameed muhiim ah oo ku yaala buuraha Golan Heights ee xoogga ku heesato  Israa’iil, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sidoo kale, weerarkan ayey kooxdan oo Iran taageerto ku fuliyeen diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo qaraxyo lagu xiray, waxa ayna sheegeen in bartilmaameedyo muhiim ah ay joogaan ciidamada cadawga Israa’iil in ay ku weerareen.

“Annaga, iska caabinta Islaamiga ah, waxaan xaqiijineynaa in howlgallada lagu burburinayo goobaha cadowga ay ku sii socon doonaan xawli sii kordhaya,” isbaheysiga malleeshiyada taabacsan Iran ee Ciraaq ayaa sidaas ku yiri war ay soo saareen.

Dhanka kale, Lama oga ilaa hadda  in uu jiro khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ah oo ka dhashay duqeyntaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay isticmaalaan maleeshiyaadka Ciraaq jooga ee taageera Iran, kuwaa oo ku hanjabay in ay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarkan ay sheegeen in ay fuliyeen kooxda Islaamiga ah ee Ciraaq joogta, waxa uuna weerarkan qeyb ka noqonaya weerarada Israa’iil kala kulmeyso dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreeyaan kooxaha Iran taageeryo.  .

Leave a Reply

Your email address will not be published.