Guriceel ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo jidka u galay gaari noociisa yahay Toyoto Probox oo u socday Aroos, kaasi oo marayay duleedka deegaanka Laanjabane ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo 3 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka, halka 2 ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibanyo ibsitaal ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadka hubeysan, ayaa la sheegay in gaariga ay Ooda uga qadeen rasaas fara badan, kaddibna goobta isaga baxsaday. Saraakiisha laamaha amniga ee Galmudug, ayaa sheegay in ay ku raad jogaan kooxihii weerarka ka dambeeyey.
Sidoo kale saraakiil katirsan ciidanka Galmudug, oo la hadlay Ehellada dhibaatada gaartay, ayaa u sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo qaban doonaan dhagar qabayaasha falka geystay, isla markaana sharciga ay horkeeni doonaan.
Deegaannada Galmudug, waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay dilal la xiriira aanooyin qabiil, inkasto ilaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn sababta ay dableyda hubeysan u beegsadeen gaariga Arooska u socday.

Leave a Reply