Koror ku yimid dadkii ku dhintay masiibadii ka dhacay LIIBIYA

Koror ku yimid dadkii ku dhintay masiibadii ka dhacay LIIBIYA

Tripoli (Raxanreeb) Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya.

Meelo badan oo ka mid ah magaalada saaran xeebta badda Mediterranean-ka ayaa waxaa baabi’iyay togag biyo ah oo ay ku soo rogmatay duufaan xooggan oo habeenimadii Axadda ku dhufatay iyo biyo xireenno ku soo jabsaday magaalada. Dhismayaal dhowr dabaq ah ayaa dumay oo ay ku jireen qoysas hurday.

Saraakiisha ayaa tirada la la’yahay ku sheegay 10,000 oo qof. Hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegtay in tiradaasi ay tahay ugu yaraan 5,000.

Laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ayaa fatahay, taasoo uga sii dartay xaaladda.

Illaa haatan xog sugan lagama heli karo khasaaraha ka dhashay daadadkan, maadaama ay xukuumado iska soo horjeedaa ay ku loolamayaan awoodda dalkaas. Masuuliyiinta qaarkood ayaa aamintan in tirada dhimashadu ay laba jibaarmi karto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.