Kentrukly ( Raxanreeb Online) Dab xooggan ayaa ka holcaya gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka kadib markii diyaarad xamuul ah ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Louisville ee gobolka Kentucky fiidnimadii Talaadada, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi.
Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen. Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya holac iyo qiiq kasoo baxaya diyaaradda xilli ay isku dayeysay inay kacdo. Ugu yaraan 11 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka.
Diyaaradda ayaa qaraxday xilli ay ka duushay garoonka caalamiga ah ee Louisville Muhammad Ali.
Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in saddexda shaqaalaha diyaaradda ay u badan tahay inay ka mid yihiin dadka dhintay, wuxuuna intaas ku daray.
Saraakiisha ayaa ka digay in dadka ay “dhaawacyo aad u culus” ka soo gaareen dhacdada, dhimashaduna ay sii kordhi karto.

Leave a Reply