Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Caasimadda, kaas oo lagu lafa-guray xoojinta amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Inta lagu guda jiray kulanka, Taliyaha ayaa faray saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee ka howlgala amniga garoonka Stadium Muqdisho inay si adag u gutaan waajibaadkooda, isagoo si cad u amray in aan gudaha garoomada lagu soo gelin hub ama walxo amni-darro keeni kara, gaar ahaan ciyaarta kama dambaysta ah (finalka) ee lagu wado inay ka dhacdo Caasimadda.

Taliyaha ayaa saraakiisha Booliska Caasimadda ku boorriyay inay shacabka si dhow ula shaqeeyaan, si loo xoojiyo amniga iyo wadajirta bulshada.

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir, ayaa maalmihii dambe sare u qaaday howlgallada lagu xaqiijinayo amniga caasimada, si ay uga hortagaan falalka amni darrada iyo kooxaha burcada ee dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.