Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen guddi heer qaran ah oo dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo ka shaqeynaya arrimaha la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka.
Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, iyo xoojinta iskaashiga hey’adaha dowladda ee ku hawlan arrimahan.

Kulankan ayaa ku soo adaya, iyada oo bilihii u dambeeyay ay kordheen qulqulka tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku blimeynaya saxaraha Liibiya iyo khataraha Badda Mediterranean-ka, si ay dalalka Yurub u tagaan, taasi xiliyada qaar galaafata naftooda.

Leave a Reply