Muqdisho (Raxanreeb Online) Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Omar Muumin, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Caasimadda.
Kulanka ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlgaladii toddobaadkii la soo dhaafay, waxaana sidoo kale lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga caasimadda loona dar-dargelin lahaa howlgalada lagu ciribtirayo burcadda dhaca ka gaysata magaalada.
Taliyaha ayaa saraakiisha ku adkeeyay inay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loona xoojiyo wada shaqaynta guud ee Booliska Caasimadda.

Leave a Reply