Lacag cusub oo laga waayay , khasnada DFS – musuq cusub oo soo  baxay.

Lacag cusub oo laga waayay , khasnada DFS – musuq cusub oo soo  baxay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Isagoo maanta oo Talaada ah warbaahinta kula hadlayay hanti dhawraha dowladda Axmed Ciise Guutaalle ayuu soo bandhigay xog cusub oo ku saabsan lacag ka maqan dowladda.

Guutaalle ayaa shaaca ka qaaday in fatash ay sameeyeen ay ku ogaadeen in khasnada  dowladda ay ka maqan tahay lacag dhan 20- milyan oo dollar.

Waxa uu xusay in  baaritaanadii hore ay u sameeyeen ay yaraysay in lagu dhiirado sida uu sheegay in la sameeyo musuq maasuq dowladda dhaxdeeda ah.

Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in xafiisyadan ay qabteen lacag dhan $3,370,260 balse  $12,437,690 oo kaliya lagu shubay qasnadda dowladda, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag gaareyso illaa $20,932,570.

Lacagta ka maqan khasnada dowladda ayaa ka dhigan in wali dowladda Soomaaliya uu ka dhax jiro musuq maasuq xargaha goystay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dagaal adag la gashay la dagaalanka Musuqa waxaana loo xiray mas’uuliyiin qaarkood Dowladdaan la shaqeeyay iyo kuwa horay xilal kala duwan usoo qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.