Ma awal baa Itoobiya jecayl innaga dhexeeyay?! Axmed-Yaasiin Max’ed SooyaanSoomaaliya

Ma awal baa Itoobiya jecayl innaga dhexeeyay?!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Soomaaliya Mar Kele DHiig Waa Loogu Wan Qali!

Allow maxaan is naqaan! Waxaan garan la’ahay sababta dadku uga qeyliyeen in Suleiman Dedefo Woshe ay Itoobiya u soo magacowday safiirkeeda Soomaaliya, iyadoo la wada ogyahay cadaawadda soo jireenka ah ee Itoobiya u hayso Soomaaliya, iyo sida ay ula dhaqanto shacabka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku haysato, ma waxaa jiray qof Soomaali ah oo Itoobiya kheyr ku ogaa am aka sugayay?…Dadku ma garashadii baa ka guurtay?!…Colaadda Itoobiya uma eka mid ku dhammaan doonta si fudud, nacaybka ay qabaanna ma aha mid wax yeeli kara jiritaanka ummadeed iyo qaran ee Soomaaliya, mana ah mid wax u dhimi kara shakhsiyaddda qofka Soomaaliga ah!…Waa hubaal! Haa, mid waa lays weyddiin karaa waana su’aal qof kasta oo wax garanaya oo Soomaali ah mar kasta ku soo dhaceysa, maxay ku dhacday in Itoobiya sida ay inoola dhaqmeyso aan looga fal celin?!…Walaalnimmada cusub ee Soomaalidu ku waalatay maxay tahay?! Hasa ahaatee jawaabtu ma aha mid feker u baahan oo waa sida xaalkeena ahaa ama uu yahay intii uu dalka innaga burburay, illaa 1990-kii, laakiin burburkaas waxba kama bedelin Soomaalinimmadii, iyo kartidii shakhsiyadeed ee qofka Soomaaliga ah, waxaase middaas fursad u arkay Itoobiya iyo cid kasta oo cadow u ahayd Soomaaliya, iyagoo gacan ka helaya siyaasiyiin maan gaab ah oo haddii aysan dowladnimmadeenii burburin aan weligood saaxadda siyaasadda soo galeen iyaga laftooda fursad taas la mid ahna ka helay xaaladda burburka ah ee dalku galay!… waxaana kow ka ah
Xasan SHiikh Max’ud (Dal-Duleeye).

Waxaa iyadan xusid mudan, in faro gelinta shisheeyaha iyo xad gudubyada ka dhashay ay inta badan sabab u tahay mas’uuliyiinta aan waayo aragnimmada lahayn, oo waliba qaarkood markii ay soo galayeen siyaasadda ay ka dhaadhacsaneyd in siyaasadddu tahay il dhaqaale oo laga tacbado hanti badan, waana meesha dhibaatada u badan ay ka dhacday (laaluushka, iyo hadiyadda lagu baray) oo gacmaha iska buuxsadeen! Markii madaxdii dalka ay kala garan weysay waxa shisheeyaha uu xaq ugu leeyahay ama ay iyagu xaq ugu leeyihiin, markuu kala garan waayeen waxa xeer ah iyo waxaan xeer ahayn, oo qaarkood iska cabsadeen, oo qaarkood xiriiirka ergada shisheeyaha u qaateen mid shakhsi oo saaxiibnimo labo shakhsi ku dhisan, oo qaarkood dhaqanka ilko qaawinta ama dhoolo caddeynta shisheeyaha u qaateen inuu yahay qoslkii bulshanimmada iyo sheekaysiga, oo sir-doonkiii shisheeyaha dhex galay dhaqankii iyo noloshii bulshada, oo sidii ay qorsheyneysay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay nidaamkii dowladnimo daciifisay baa sidii ay ahaan jirtayba Itoobiya laynoo soo adeegsaday!… Itoobiya?!…Itoobiya ma hano qaado, oo kama weynaato inay Soomaaliya u soo raacdo guumeyste kasta oo soo damaaciya, si ay ugu hodonto, si ay damacyadeeda geerka ah ee ay u sobareeri weyday keligeed garab ugu hesho!…Itoobiya afka ay innagula hadleyso keeda ma aha, awoodda ay inoogu dhaaraneyso teeda ma aha!…Itoobiya way ina taqaan.

Cadowga maanta soo haliilaya
Soomaaliya ma aha Itoobiya
ee waa qowmiyadda Orommada!

Is-moodsiinta waa dabeecad khatar ah marka ay timaado arrimaha la xiriira amniga,
ammaanka, iyo danta dadka iyo dalka. DHibaatada ugu weyn waxay tahay in shacabka
Soomaaliyeed wanaaggiisa aan xudduudda lahayn, iyo gaar ahaan axsaan falka aan hagarta lahayn ee ay u hayaan dadka Oromada ah ay dhaafsiisantahay intii ay ka mudnaayeen, waxaana intaas dheer oo si xoog ah uga dhaadhacsan oo ay rumeysanyihiin waxyaabo aan jirin, sida inay muslimiin yihiin, walaalahood yihiin, iyada oo Oromada si ka duwan taas ay xin, colaad, dhul-boob ay ku hayso Soomaalida, waxaana taas ka daran sida ay u rumeysanyihiin walaalnimadaas aan jirin ee lagu khayaanay. Colaadda Orommada ay ku hayso dadka Soomaaliyeed ma aha wax qarsoon, waxay isku soo fidisay magaallada Jigjiga, waxay horay u sheegatay magaallada Dir-Dawe oo waliba hadda xoog ku haysataa, dabayaaqadii bishii
dhammaatay waxay duulaan ku soo qaadday magaallada Mooyaale iyo tuuloooyinka ku dhowdhow, waxaana dadka yaqaan ama la socda xaaladaha siyaasadeed ee dalka Itoobiya ay isku raacsanyihiin ficillada iyo xad gudubyada qowmiyadda Orommada ay salka ku hayaan awaamir iyo siyaasadao laga soo jaan gooyay xafiiska ra’iisal wazaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali!

Qowmiyadda Ormmada, cadaawadda iyo colaadda ay u qabto Soomaalida iyo sida ay uga dareen la’dahay Soomaalida, ayaa ah wax aad u kala fog! SHacabka Soomaaliyeed waxay rumeysanyihiin inay Orommada yihiin dad walaalahood ah, waxay rumeysanyihiin inay garabkooda yihiin, waxay rumeysanyihiin waxaan wanaag ahayn inaysan ka dhexeyn, oo yaa u sheegay?! Waa dhab, Orommada waa qowmiyadda muslimiinta ugu badan ee dalka Itoobiya ku nool, waxaan iyadana murun ku jirin inaan leennahay waayo taariikheed oo aan wadaagno, isla markaasna aan marar badan hiil iyo hooba isla garab taagnay si ay uga xoroobaan culeysyo badan oo ka soo wajahay nidaamyadii dalka soo maray, haddii ay tahay in sal-dhigyo laga siiyay Soomaaliya, iyo ciidamo loo taba baray, iyo haddii ay tahay in madaxdooda oo ugu caansanaa
General Waaquu Guutuu iyo qoyskiisii loo deegaameeyay, iyo in shacabkoodii soo qaxay la soo dhoweeyay, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin isla markaasna aan loola dhaqmin sida inay yihiin qaxooti.

Hiilka noocaas ah iyo dhaqanka mudnaan siinta Orommada aan kula dhaqanay iyaga iyo dadyow kale oo shisheeye ah, runtii wuxuu sawir khalddan ka bixiyay heerka garashadeenna la macaamilka siyaasadaha dunida inteeda kale, waxayna arrintaas asal ahaan ka imaaneysaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed (Siyaasiyiinta Burburkii dalka ku samaysmay) oo mar kasta aad is leedahay baahi dheeri ah bay u qabaan inay xiriir dhow oo shakhsi ah la yeeshaan siyaasiyiiinta shisheeyaha ee danaha siyaasadeed Soomaaliya kala dhexeeyo, taasina waxaa ka dhasha in siyaasiga Soomaaliyeed uusan uga fal celin dhaqanka siyaasiga shisheeyaha ah sidii ku habooneyd ama sidii qof wakiil u ah dano dowladeed, ama inuu qaado tallaabo la mid ah ama ah midda uu qaaday siyaasiga shisheeyaha ah! Dabeecadda siyaasiga noocaas ah waxaa ka soo baxay sawir khaldan oo run ahaantii sababay in shacabku aysan garan ama ay waxba kala socon arrimaha siyaasadaha dalalka shisheeyaha ah ee daneeya Soomaaliya waana midda keentay in shacabku yiraahdaan Walaalaheen Itoobiya, waana midda keentay in Abiy Axmed Abbaa-Gadhayaal dalka ku soo diro! Waana midda keentay in Orommadu biyaha Soomaaliya soo damaaciso! Balse ma aragtay Abbaa Gadhihii oo badda Soomaaliyeed gorgorinay oo leh waxaad inooga bedellan kartaan beero Bun ah, ama Qaad…

Bahda Af kushitigga waxay Orommadu u
adeegsatay Juquraafi Siyaasadeed (Geopolitics)

Waxaan dhaqan khaldan ah in qof aqoonyahan Soomaaliyeed ah uu maalin kasta soo qoro ama meelo fagaaro ah isagoo aqoon sheeganaya uu isla soo taago in qaybo dalka ka mid ah uu yiraahdo meell hebel waagii hore Oromo ayaa lahayd, ama uu yiraahdo Kenyan baa lahaa!…waxaa arrin caadi iska noqotay in qof Soomaali ah oo waliba aqoon la bidayo isaga oo iska dhigaya inuu aqoon wax ku salaynayo uu sheego ama uu deegaano dhan oo Soomaaliyeed yiraahdo marka aad magaca fiiriso wuxuu ka soo jeedaa luuqaddaas, sidaas daraadeed waxaa laga yaabaa in waagii hore dadkaas deggenaayeen oo laga keiciyay! Waxaan iyadana uusan shaki ku jirin meel kasta oo dunida ka mid ah dadyowga deriska ah ay waxyaabo badan ay dhex maraan ama wadaagaan, waxaana ugu badan oo si dhib yar isu weydaarsadaan; ereyada afafka oo ay kala amaahdaan, magacyada, qaybo dhaqanka iyo caadooyinka ka mid ah oo ay kala qaataan…ama waxaaba dhacda in marka horeba dadyowga deriska ah ay ahaayeen hal isir oo ooh al af leh oo socdaalkii dheer ee waayaha markii dambe kala yeeshay afaf kala duwan laakiin ereyada qaarkood iyo magacyadaba weli wadaaga,sida hadaba ka jirta meelaha qaarkood ama laga heli karo dowlado dunida ka jira.

Arrintaan, ereyada iyo magacyada ay wadaagaan labada luuqadood ee afka Soomaaliga iyo afka Orommada ee loogu yeero deegaano ka mid ah dhulka Soomaalida ma aha macnaheeda in dhulku Oromo leedahay , laakiin waa magacyo iyo ereyo labada luuqadoodba ay leeyihiin ama waagii horaba ay wada lahyeen. Marka in Orommadu ereyo ama magacyo labadaba afba lag helo maalin kasta u soo daliishato in Soomaalidu haysato dhul ay iyagu lahaan jireen, waa daandaansi waana hurin colaadeed…In DHiigyo Cabka Abiy Axmed uu maalin kasta golayaasha dowladdiisa ugu khudbeeyo Soomaaliya baan dhulkeeda xoog ku qabsanayaa…

Xasan SHiikh Max’ud Camiil shisheeye
Mise madax-weyne?!

KHataraha waaweyn ee dalku wajahayo waxaa ugu halis badan midda ka imaanaysa ninka dalka madax-weynaha looga dhigay Xasan SHiikh Max’ud, koleyba kugu soo dhici mayso kamana aad filaysid nin Soomaali ah iskaba dhaaf inuuu madax-weyne yahayee baa dalka iyo dadka u dhagraya Itoobiya, waanse hubaa in dad badan oo caruuruhu ka mid yihihiin ay ka shakisanyihiin dhaqammada Xasan SHiikh Max’ud iyo hebednimmadiisa. Xasan SHiikh Max’ud waa nin la soo carbiyeystay, wuxuu ka soo shaqeeyay NGO, wuxuu ka mid ahaa Bulshada Rayadka ah (Civil Society) middaas macnaheeda ma aha in hay’adahaas dadka ka shaqeeya ay yihiin dad la soo carbiyeystay, laakin int badan waa hay’ado ay ka dhex ugaarsadaan mujtamac sir-doonka, waana meelaha ugu badan oo ay si dhib yar ku soo dhex mari karaan marka siiba marka uu dalku u burbursanyahay sida Soomaaliya

Bulshada Rayadka, waa hay’ad irrido badan oo laga soo geli karo leh, waa hay’ad aan dowli waa hay’ad madax bannaan, oo ay qayb ka yihiin ama ay ka noqon karaan qaybaha kala duwanee bulshada si madax bannaani ku jirto, dabeecad ahaan waxayse leedahay gool iyo ujeedo cayiman, waxaana qayb ka noqon kara hay’adaha Sama-falka (Charities) dadka Xirfadlayaasha ah (Professionals) ururada diiniga ah, kuwa u dooda Xuquuqda aadamaha…waana meelaha ugu badan ee ay Sir-Doonka ka helaan adeegayaal wax yaqaan oo si dhib yar u carbismaya, waxaana wax laga xummada ah in laga bilaabo Xasan SHiikh Max’ud iyo golaha waziirrada ay dhammaantood ka yimaaden haydaha aan dowliga ahayn NGO ama Civil Society, waxaana loo qaadan karaa in into badan ay xilalka ku yimaadeen gacan ay ka heleen sir-doonka caalamiga ah ee xataa caruurtii iyo waayeelkii guryaha ugu galay, waxaana xusid mudan in daba gal iyo xog ururin lagu sameeyay 23 hay’ado Sama-Fal oo ka hawl galayay Soomaaliya lagu ogaaday inay dhammaantood lahaayeen sir-doonka dalal shisheeye isla markaasana ay u adeegayeen dalalkaas.

Waxaa hubaal in dad badan ay la yaabanaayeen shirarka heerka hoose ah ee uu marar badan caadeystay Xasan SHiikh Max’ud inuuu ka qayb galo, sida shirkii Qarammada Midoobay ee Nidaamka Cuntada u dambeyay ee July 27-29, 2025, uu kaga qayb galay dalka Itoobiya. Sida la rumaysanyahay ama xaqiijinayaan xogo ku dhow-dhow Xasan SHiikh Max’ud laf ahaantiisa shirarka noocaas iyo safarrada fraha badan ayaa waxaa ugu wacan inuu ku qarinayo ujeeddooyin guracan oo ganacsi oo isaga u gaar ah, iyo in sida dhacdo aalaaba looga yeer xafiiisyo sir-doon ee dalal shisheeye oo uusan diidi karin!.. Sida la sheegay Xasan SHiikh Max’ud oo socdaalkaas Addis Ababa uu ku wehliyay madaxa Sir-Doonka ee NISA ayaa qorshaha uu meeshaas u tegay xaqiiqdiisu ahayd inuu Abiy Axmed Cali weydiisto inuu gacan ka siiyo arrimaha doorashada uu Qof iyo Cod ku sheegay iyo sidii uu dalka ugu soo celin lahaa nidaam awoodda siyaasadda ay ku urursantahay dowladda dhexe, waxaana xusid mudan, in, intii uu joogay Addis Ababa ay ciiidammada Itoobiya ku soo xad gudbeen gobolka Gedo, isla markaasna
ay xeradii UK ka saareen askartii Soomaaliyeed, oo qaarna af-duubteen qaarna iyaga oo
dhaawac ah loo soo duuliyay Muqdissho, iyadoo Xasan SHiikh Max’ud uu booqashadiisa si caadi ah u sii watay taasoo macnaheedu yahay inuu hawlo isaga u gaar ah uu halkaas u joogay.

Suleiman Dedefo SHowe, waxaa loo
Soo xulay hawl gaar ah iyo qayb ka mid ah
cadaawadda ay Ormadu u qabto Soomaaliya

Suleiman Dedefo, Safiirka cusub ee cadowga Itoobiya u soo magacaabay Soomaaliya, waa nin ka soo jeeda gobolka Oromia, waana nin ku caan baxay naceybka shacabka Soomaaliyeed, sida la xaqiijiyeyna wuxuu ka mid ahaa weligiis kooxda Lemma Mageresa, waziirkii hore ee gaashaan-dhigga Itoobiya, ahaana madax-weynihii hore ee gobolka Oromia 2016-2019. Lemma Mageresa, muddadii seddeda sano ahayd ee uu xukumay gobolka Oromiya waxay ahayd muddadii ay ugu xumeyd colaadda iyo duullaanka Orommada ay ku soo qaadday Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed, intii uu ahaa madax-weynaha gobolka Oromia maalin keliya ma aysan joogsan daagaalladaas lagu hayay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya guumeysato.

Suleiman Dedefo, wuxuu safiir dalka Itoobiy uga soo noqday dalalka Djibouti, Nigeria, Emirates- ka midoobay, wuxuu Soomaaliya iyo dadkeeda u qabay naceyb uusan weligiis qarsan, wuxuuna intii uu ku dhex jiray diplomatsiyadda aad ugu ololeeyay in dalka Soomaaliya la kala jarjaro, wuxuuna si gaar ah uga shaqeeyay oo xoogga saaray oo uu gacan siinayay maamulka xoogga ku heystay gobollada Woqooyi ee doonaya inay gobolladaas xoog ku goostaan, iyadoo ay danta ugu weyn tahay sidii ay Itoobiya u meel marin lahayd damaceeda waalidu wado ee ay ku dooneyso in bad Soomaaliyeed qabsato.

DHinaca kale, Suleiman Dedefo, waxay saaxiibo aad isugu dhow yihiin waziira dowlah arrimaha dibadda, Cali Cumar (Cali-Balcad) oo isagu Addis Ababa ku leh shirkad kuwa tigidhada diyaaradaha jarta ah, waxaana intaas dheer, marka ay timaado xiriirka xooggan ama gaarka ah ee uu sida shakhsiga ah ula leeyahay siyaasiyiin faro badan oo ka tirsan taliska ka amar ku taagleeya Itoobiya.

Dedefo, in loo soo magacaabo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxaa soo jeedinteeda lahaa Sir-Doonka dalkaas ee National Intelligence And security Service (NISS), waxaana in lays weyddiiyo mudan, ujeeddada ka dambeyn karta, in nin la wada ogyahay nacaybka faraha badan ee uu qabo Soomaaliya, oo bannaanka la soo taagan, haddana ay Itoobiya si bareer ah ugu soo dirsatay Soomaaliya! Ujeeddadu ma aha mid qarsoon, oo waxay tahay in Abiy Axmed Cali iyo Dedefo, iyo SHimelis Abdisa oo ah madax-weynaha gobolka Oromia, isla markaasna ah madax xafiiska Abiy Axmed, maalin kastana duulaan dhul-ballaarsi ah ku soo qaada deegaannad Soomaaliyeed ee Itoobiya guumeysato iyagoo xaqiiiqda ay tahay isku haleynta ay ku qabto dowladda federalka, waxaana jirta in Xasan SHiikh Max’ud uu la kulmay Dedefo, intii uu Addis
Ababa joogay.

Waxa socda iyo colaadda abaabulan ee Orommadu qorsheysay ma aha mid sida sahacabka Soomaaliyeed u dhaqmayo xal looga gaari karo, waxaana muuqda in madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku mashquulsanyihiin arrimo aan muhiim ahayn halka ay dhinaca kale siyaasiyiinta Orommada, iyo shacabkoodaba ay ku mideysanyihiin colaad dhan ka ah dadka Soomaaliyeed. Waxaa in maanka lagu hayo ay tahay in colaadda gaarka ah ee Orommadu ku hayso dadka Soomaaliyeed ay la bilaabatay burburka ku dhacay ummadda Soomaaliyeed, waxaana sii dhiiri geliyay markii ay soo muuqan weysay dowlad Soomaaliyeed oo hanan karta dowladnimmada, siyaasiyiinta burburka ku soo baxayna ay noqdeen kuwo ku qiimeysan inay doonayaan inay ku taajiraan siyaasadda oo lacag keliya raadinaya, oo xataa mararka qaarkood
ay iyaga dhankooda ka imaaneyso halista….Soomaaliya, waa dal Soomaaliyeed, dadkuna waa dad mid ah, oo shacab ahaan way u jeedaan dabaysha socota, wayna u toog hayaan Guumeystaha, midkiisa madow iyo midkiisa cad!…Soomaaliya Mar Kale DHiig Waa Looogu Wan Qali!..

Tani Fikirka Qoraaga Looma asiran Karo Kan Raxanreeb Online

Leave a Reply

Your email address will not be published.