Ma shil diyaaradeed ayaa ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ?

Ma shil diyaaradeed ayaa ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in shil diyaaradeed maanta oo Isniin ah ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta qaar ayaa baahiyay warar la xiriira , in Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya ayaana warkaasi ay baahiyeen warbaahinta qaar ku tilmaantay mid been abuur ah, waxa ayna wasaaradu sheegtay in aysan jirin wax shil ah oo garoonka ka dhacay.

Agaasimaha warfaafinta u qaabilsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Maxamed Cabdi Cusmaan (Faradheere) ayaa been abuur ku tilmaamay warka la baahiyay, waxa uuna sheegay in aysan jirin habayaraatee wax shil ah oo garoonka ka dhacay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay shilal diyaaradeed, kuwaa oo sababay khasaaro soo gaaray inta badan diyaaradihii shilkaasi galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.