Laascanood (Raxanreeb )- Fagaare ku yaala magaalada Laasacnood ee gobolka Sool waxaa lagu toogtay Mowliid Maxamed Jaamac oo magaaladaas ku dilay AUN marxuum Korneel Maxamuud Cali Xade.
Waa dilkii ugu horeyay ee Maxkamada darajada kowaad ee SSC- Khaatumo ay rido tan iyo markii la unkay maamulkaas oo dagaal la galay Somaliland.
Fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay ninkan dilka ka geestay magaalada Laascaanood ayaa waxaa isugu tagay ehelada marxuumkii uu dilay iyo eheladiisa, saraakiil iyo dadweyne kale.
Xukunkan dilka ah ee ninkan horey loogu riday waxaa si isku mid ah usoo dhaweeyay dhinacyada ay kasoo kala jeedaan ninka eedeysanaha ah ee dilka geestay iyo dhinaca kale uu kasoo jeedo marxuumka la dilay.
Ehellada sarkaalka horay loo diray oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday maxkamadda oo ay sheegeen inay ka heleen cadaalad.
Leave a Reply