Hargaysa (Raxanreeb ) Markale ayuu Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay xaaladda xilligan ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Sool.
Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay in xasilooni ay ka dhalato magaalada Laascanood , halkaas oo ay ka dhaceen dagaal dad badan ay ku dhinteen.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay Somaliland ay la kaashanayso cid kasta oo nabadda jecel sida xaaladda Laascaanood loo xallin lahaa.
Waxa uu ku digay Muuse Biixi Cabdi , in la fara galin uu sheegay in ay kaga imaanayso dibada , taas oo uu yiri waxa ay keeni kartaa colaad kale oo hor leh.
Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo bil ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, kadib markii lagu kor dagaalamay.
Leave a Reply