Sabab la yaab leh oo u baaqday shirka Wadatashiga Qaran ee Baydhabo

Sabab la yaab leh oo u baaqday shirka Wadatashiga Qaran ee Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb ) Maanta oo  Talaada ah waxaa lagu waday in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay uu ka qabsooo shirka wada-tashiga Qaran .

Shirkan ayaa la sheegay inuu u baaqday safar Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku tagay Asmara  iyo madaxda maamul goboleedyada oo safar galaya .

Shirkan markii hore waxa diiday inuu ka qayb galo Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isagana hadda ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku maqan dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ugu yaraan hal maalin uu sii joogi doono

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar u aadi doono magaalada Kambala ee dalka Uganda , halkaas oo martiqaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkaas.

Lama oga waqtiga shirkan uu qabsoomi doono  iyo sida suurtagal u tahay in todobaadkan uu ka qabsoomo magaalada Baydhabo , maadama halkaas Villa Soomaaliya ay u dirtay wafdi horu dhac u ah shirkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.