Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo loo diiday in uu tago degmada Maxaas

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo loo diiday in uu tago degmada Maxaas

Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay ilaa saaka ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Maamulka degmada iyo Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Xiisada ayaa ka dambeeysay kadib markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku wajahan degmada Maxaas ay diideen in uu tago Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda, halkas Ciidamada iyo Maamulka degmada Maxaas ay isku diyaarinayaan inay soo dhaweeyaam.

Goobjoogayaasha ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyada oo ay macquul tahay in Madaxweyne Cali Guudlaawe oo safar ku maraya Gobolka Hiiraan uu joojiyo safarki uu ku tegi lahaa degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.