Kismaayo (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u qh Jubaland, haalkaas oo uu saacadaha soo socda ka furmayo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo watay ciidamo ilaalo ah oo hubaysan, waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkayay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Wafdiga madaxweyne Deni waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Sidoo kale waxaa goordhaweyd Kismaayo ka degay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyada oo la filayo in xubnaha kale ee Madasha Samatabixinta ay goordhow soo gaaraan Kismaayo.

Leave a Reply