Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kula kulmo magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Beinjing (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday soo jeedin la xiriirta inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka qeyb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee ka dhacaya magaalada Beijing, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhexdhexaadiyaan kulanka, balse kuma guuleysan.

Waxay noqonaysaa diidmadii labaad ee uu Madaxweyne Maxamuud diiday inuu la kulmo Abiy Axmed. Isku daygii hore ee madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku doonayey inuu fududeeyo wadahadalka labada hogaamiye ku dhexmari doona magaalada Nairobi, kaasoo isna fashilmay.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa salka ku haysa heshiis ay Itoobiya ku kiraysay 20 KM oo xeeb ah oo ka tirsan maamulka la baxay Somaliland si ay u taageerto madax-bannaanideeda, heshiiskaas oo Muqdisho ay sharci darro ku tilmaantay.

Bishii hore ayay ahayd markii wada hadal uu Turkigu dhexdhexaadinayey oo lagu xalinayey ismari waa uu ku dhammaaday is afgarad la’aan, iyadoo wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka baaqsadeen in wadahadal toos ah ay ku yeeshaan Ankara. Soomaaliya ayaa ka aargoosatay heshiiskii Janaury, iyadoo dalkeeda ka ceyrisay safiirkii Itoobiya, waxayna ku hanjabtay inay meesha ka saarayso ciidamada Itoobiya ee ku howlan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.