Madaxweyne Xasan Sheekh oo kedis ku tegay Wasaaradda Gaashaandhigga Ammarna siiyay…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kedis ku tegay Wasaaradda Gaashaandhigga Ammarna siiyay…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay.

Saraakiisha ayaa Madaxweynaha waxay u soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh aaa faray Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo saraakiishooda inay dib u billaabaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.