Muqdisho (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar hoobiyaal ah oo dad badan oo rayid ah lagu dilay kaas oo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.
Hoobiyaashan ayaa ku dhacay deegaan hoos yimaada deegaanka Bariiri halkaas oo ay ku dhinteen dadka ugu badan halka tiro kale ay ku dhawacmeen.
In ka badan 15- qof oo u badan dumar iyo caruur ayaa ku dhintay sida ay ku warameen dad halkaas ku sugan.
Dhaawacyada caruur iyo dumar oo dhacdadaas ay ku waxyeeloobeen ayaa la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.
Dhacdooyinkan ayaa kusoo laa laabtay Bariire, waxaana horay sidaan oo kale loogu laayay dad shacab ah, kadib duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi.
Leave a Reply