Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la filayo inuu  u safro dalka Itoobiya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu u amba baxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi uu kaga qeyb gali doono sannad guurada 90-aad ee aas aaska ciidanka cirka Itoobiya.

Munaasabada dabaal degga, ayaa la filaya in ay socoto 23-ka ilaa iyo 27-ka bishaan Janaayo.

Ilo wareedyo, ayaa inoo sheegay inta ay xaflada socoto, ay sidoo kale kulan gaar ah yeelan doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu isku dayayo sidii uu u dhex dhexaadan lahaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Imaaraata Maxamed Bin Zayed, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba burburisay heshiisyadii iskaashi ee ay la laheyd Imaaraatka.

Talaabadan ayaa loo arka mid Itoobiya ay ku xoojineyso xiriirka ay la lee dahay Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil oo uu kala dhaxeeyo heshiisyo dhinacyo badan taabanaya.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Itoobiya ayaa noqonaya kii 9-aad tan markii uu xukunka dalka la wareegay sannadkii 2022-kii.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Itoobiya kala hadlin doono mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.