Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqday mid ka mid ah goobaha nasiinada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula caweeyay, qaar ka mid ah bulshada ku nool caasimadda.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada uu la kulmay kala qayb qaatay ciyaaraha kala duwan ee ay ku madadaalaan, isaga oo ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta nabadgalyada, is dhex galka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.
Geesta kale booqashadan uu madaxweynaha ku marayay gobaha nasiinada ee magaalada Muqdisho, ayaa mesha ka saartay, hadalo ay baahiyeen warbaahinta Itoobiya, taasi oo aheyd in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka qeyb galay munaasabadda sannad guurada 90-aad ee aas aaska ciidanka cirka Itoobiya.
Ilo wareedyo aad uga dhow Villa Somalia, ayaa inoo sheeegay in madaxweynaha uu cadaadis kala kulmay dalalka saaxiibada dhow la ah kuwaasi oo kula taliyay inuu madaxweynahu ka qeyb galin xaflada sannad guurada ee ciidanka cirka Itoobiya.

Leave a Reply