Madaxweynihii Namibia oo u geeriyooday xanuunka Kansarka.

Madaxweynihii Namibia oo u geeriyooday xanuunka Kansarka.

Namibia (Raxanreeb ) Madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob ayaa ku geeriyooday isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek halkaas oo lagu daweynayay.

Hagr ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu tahay 82 jir, dalkaan ayuu soo hoggaaminayay tan iyo markii uu qaatay xoriyaddiisa sanadakii 1990-kii uu dal noqday.

Geeridiisa waxa ku dhawaaqay Madaxweyne Kuxigeenka wadankaasi Nangolo Mbumba, wuxuu sheegay in geeridiisay ay sabab u tahay xanuunka Kansarka oo maalmihii ugu dambeeyay laga daaweynayay.

Geingob ayaa tan iyo sannadkii 2015-kii madaxweyne ka ahaa waddankan aadka u dadka yar ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi ka diray geerida madaxweynaha Namibia

Madaxweyne Geingob oo ah 82 jir ruug caddaa siyaasadeed, ayaa ka dhex muuqday siyaasadda Nambia tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay 1990, waxana muddaba laga daweynayay cudurka Kansarka, gaar ahaan kan ku dhaca qanjirka borostaatada.

Hage Geingob ayaa 3 August 1941 waxaa uu ku dhashay gudaha Namibia, waxaana uu yahay rugcadaa dhanka siyaasadda ah, dalkaan ayuu maamulayay tan iyo markii uu qaatay xoriyaddiisa oo laga joogo 34 sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published.