Magangalyo doon Erateriyaana iyo booliska Israa’il oo isku dhacay

Magangalyo doon Erateriyaana iyo booliska Israa’il oo isku dhacay

Gaza (Raxanreeb) — Tobonneeyo qof ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo qaarkood ay ku dhacday rasaas, intii ay socdeen isku dhacyo dhexmaray booliska iyo dhalinyaro magangalyo doon ah oo u dhashay Erateriya magaalada Talaabiib.

Gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaas ayaa loo adeegsaday boqollaal dibadbaxayaal ah.

Dibadbaxyada ayaa bilowday kaddib markii koox ol’oleysa oo ka soo horjeeda Dawladda Erateriya ay ka codsadeen xukuumadda Isra’iil in la joojiyo munaasbad lagu qaban lahaa safaraadda Erateriya ee Isra’iil maalintii Sabtida ahayd.

Dibadbaxayaasha waxay sidoo kale isku dhaceen dad iyana taageerayay Taliska Erateriya.

Baaritaan la xiriira in isticmaalka rasaasta ay sharci ahayd ayaa bilowday, iyadoo xoggaha cadaynta laga ururinayo goobta ay wax ka dhaceen.

Kala qaybsanaanta uu abuuray nidaamka Afawarqi ayaa xitaa saameeyay qurbajoogta wadankaasi, waxayna tani noqonaysaa tii u dambeysay isku dhacyo dhawr ah oo la soo weriyay dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Isra’iil dadka dibadbaxa dhigayay ayaa tagay halka munaasadda lagu qabanayay, waxayna markii dambe jiireen barihii koontarool ee la dhigay halkaas.

Warbixin ka soo baxday booliska ayaa lagu sheegay in askartu rasaas adeegsatay markii ay naftooda u baqeen, waxayna warbixintu intaa ku dartay in 27 qof ay ku dhaawacmeen rabshaddaha.