Madaale muxuu ka yiri deegaanadii laga soo baxay?

Madaale muxuu ka yiri deegaanadii laga soo baxay?

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Horumarinta Caasimadda, Amniga, dib udhiska, Dhaqaalaha iyo Taageerada Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho Madaale ayaa warbixino ka dhageystay Guddoomiye Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, Xoghayaha Guud Feysal Caraale Afrax iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) faray in la dardargeliyo Shaqooyinka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, si Bulshada Caasimadda iyo kuwa Gobolka Banaadir ay u helaan adeeg hufan.