Washington (Raxanreeb ) Xukuumada Maraykanka ayaa qaaday tallaabo ay ugu gogol-xaarayso in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaas oo ku xiran dalka Iran.
Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag dhan illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar.
Intaa waxaa dheer, iyadoo qayb ka ah heshiiskan, Maraykanka wuxuu ogolaaday in la sii daayo shan muwaadin oo reer Iraan ah oo ku xiran Maraykanka.
Maxaabiista Mareykanka laga heysto ayaa waxaa ka mid ah Siamak Namazi, oo la xiray 2015-kii, kadibna lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay falal basaasnimo; Emad Sharghi, oo ah maalqabeen ganacasade oo lagu xukumay 10 sano.
Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Maraykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan.
Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Maraykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.
Tallaabadan ayaa laga yaabaa in maamulka Biden uu kala kulmo dhaleecayn uga timaadda xisbiga Jamhuuriga.
Leave a Reply