New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku qabteen markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela, taasi oo muujineysa inuu sii kordhayo ololaha cadaadiska Washington ee ka dhanka ah dowladda Nicolas Maduro.
“Waxaan hadda ku qabannay markab ku sugan xeebaha Venezuela – markab weyn, oo aad u weyn, waa kii ugu weynaa ee abid la qabto dhab ahaantii,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad.
Xeer ilaaliyaha guud ee Pam Bondi oo sii daayay muqaal ku saabsan qabashada markabka ayaa ku tilmaamay markabka “markab saliid ceyriin ah waday oo loo isticmaali jiray in lagu soo raro saliidda cunaqabateyntu saaran tahay ee Venezuela iyo Iran”.
Caracas ayaa si degdeg ah u cambaareysay falkaas, wuxuuna ku tilmaamay fal “burcadbadeed caalami ah”. Goor sii horreysay, madaxweyne Maduro wuxuu caddeeyay in Venezuela aysan weligeed noqon doonin “mid shidaalkeeda la gumaysto”.

Leave a Reply