Mareykanka maku  guulaysan doonaa isu keenista Somaaliya & Itoobiya ?

Mareykanka maku  guulaysan doonaa isu keenista Somaaliya & Itoobiya ?

Nairobi (Raxanreeb ) Dowladda Mareykanka ayaa doonaya markaan inuu isu keeno  madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo khilaafkooda uu gaaray meel khatar  ah.

Dadaaladan  ayaa intooda badan waxay ka socdaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo shir looga hadlay cimilada ay  ugu qayb galayaan madax badan oo Afrika ay oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa si aad ah isku dhabarjaninaysa   dhax dhaxaadinta Soomaaliya  iyo Itoobiya u qaabilsanaha Mareykanka ee Afrka Phee Molly ahna  kaaliyaha xogyahaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka .

Haweenaydan waxay ku baaqday in wax kasta oo jira lagu dhameeyo miiska wada- hadalka isla markaana la dhameeyo dhamaan khilaafaadyada jira si hore loogu sii socdo.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa wadahadalka ku xiray shuruud ah in marka hore Abiy ka laabto Is-fahamkii Somaliland lala galay, kadibna meel eber ah wax laga bilaabo.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa aanu dagaal marnaba la gali doonin Soomaaliya, iyagoo doonaya galangal ay u helaan bad iyo deked.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa aan looga shakin karin inay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya iyo in kale, sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga halka ay ku danbeyn doonto dadaalada   dowladda Mareykankay ay ku doonayso in ay isugu keento  Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya maadama cirka ay isku shareerayso xiisada labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.