Shabellaha Dhexe (Raxanreeb Online) Ciidamada Mareykanka ayaa agab ciidan iyo hub kala duwan ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taageeradan ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka tahay taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanku la garab taagan tahay Soomaaliya, iyo iskaashiga amni ee labada dhinac ee lagu xoojinayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee khatarta ku ah xasilloonida gobolka iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegtay in kooxaha argagixisadu aysan haysan meel ay kaga dhuuman karaan gacanta Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.
Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa tilmaamtay in ay ka go’an ciribtirka Shabaab iyo Daacish, waxa ayna xaqiijisay in hawlgallada la sii wadi doono ilaa laga xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

Leave a Reply