Mareykanka oo mar kale ka digay weeraro Argagaxiso oo ka dhaca gudaha Muqdisho

Mareykanka oo mar kale ka digay weeraro Argagaxiso oo ka dhaca gudaha Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Mareykanka ayaa digniin culus kasoo saaray weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga cabsi qabo in ay geeystaan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in ay suuragal tahay in weeraradaasi lagu beegsado garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ka digay in la tago goobaha dadweynaha isku yimaadaan iyo xarumaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab, ay adeegsan karto gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ama weerar Ismiidaamin toos ah.

Warbixintan waxaa lagu caddeeyay in tani aysan ahayn mid la dhayalsan karo, ay tahay mid aad iyo aad khatarteeda u wadata loona baahan yahay Feejignaan sarreeyso.

“Waxaa suuragal ah inay dhacaan weeraro argagixiso waxaa ku jiro in la adeegsado gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo qaraxyo ismiidaamin ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale yareynaya dhaq-dhaqaaqa shaqaalahooda ka howlgala gudaha Muqdisho, dhammaan muwaadiniinteeda ku sugan Xamar, si loo ilaaliyo Amnigooda.

Digniintan ayaa la gaarsiiyay level-4 oo lagu macneeyay in aan loo soo socdaali karin Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinta Mareykanka looga digay safaradaasi.

Si kastaba hasa yeeshee digniinaha dowladda Mareykanka ayaa ah, kuwoo aan la dhayalsan karin marnaba iyadoo inta badan aynu ognahay in digniinaha ay xigaan weeraro, mararka qaarna aan ka dhicin goobaha uu Mareykanu, sheegay.