Washington (Raxanreeb) — War kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay duqeyn diyaaradaha duulliye la’aanta Drones-ka ay ka fuliyeen Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud DG Galmudug 20kii Janaayo 2023.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaan ay timid kaddib markii dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ay weerareen Ciidamada shaqo wadaagga ay yihiin ee DANAB si looga hortago halista ka dhalan kartana loo fuliyay duqeyntaas.
Bayaanka Dowladda Mareykanka ayaa intaas lagu daray in howlgallada cirka ay xoojinayaan si looga hortago weerarada ‘AS’ ay ku beegsaneyso saldhigyada Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka sameysteen magaalooyinka ay ka qabsadeen.
“Howlgal qorsheysan oo lagu caawinayo ciidamada Mareykanka uu tababarka iyo taageerada uu siiyay ee Soomaaliya ayaa lagu beegsaday Argagixisada ‘AS’ oo dhumiyay dhul baaxad weyn, waxaa laga dilay ugu yaraan 30 xubnood, Mareykanka waxaa ka go’an in uu kordhiyo taageerada uu siinayo Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Mareykanka.
Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa taageertay in Howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dadka deegaanka ay dib ugu qabsadeen Magaalooyin muhiim ah oo muddo ka badan 10 sano gacanta ‘AS’ ku jirtay.
Xarardheere oo ah Magaalo xeebeed muhiim ah oo ‘AS’ maamuleysay tan & 2010 waxaa qabsaday Ciidamada Federaalka, Daraawiishta DG Galmudug oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.
Leave a Reply