Sawirro: Suuqa Bakaaraha oo dab xooggan uu ka kacay caawa

Sawirro: Suuqa Bakaaraha oo dab xooggan uu ka kacay caawa

Muqdisho (Raxanreeb) — Dab xooggan ayaa goordhoweyd qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha, waxaana socda gurmad xooggan oo lagu daminayo dabka, si loo badbaadiyo hantida Shacabka.

Gaadiidka dab-demiska ee dowladda hoose iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa gaaray suuqa, si loo bakhtiiyo dabka.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo masu’uliyiin kale ayaa la sheegay in ay gaareen suuqaasi.

Dad goobjooge yaal ayaa noo sheegay in rajo badan laga qabo in dabka la xakameeyo, oo aad uusan ugu faafin suuqa intiisa kale.

Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, wuxuuna dabkan ugu yaraan sannadkiiba hal mar suuqaas ka geystaa khasaare hantiyadeed oo baahsan.

Weli lama ogaan sababta dhalisay dabkaan, laakiin waxaa la xaqiijiyay in qeybta gubaneysa ay tahay qeybta Dahabka lagu iibiyo.

Gubashada soo noqnoqotay ee suuqa Bakaaraha ma jirto cid ogaatay illaa hadda sababta ka dambeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ma baarto sababta keenta dabkan sannad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqaan weyn ee Bakaaraha, sidoo kalena ganacsatada suuqa ayaa lagu eedeeyaa in taxadarkoodu uu aad u liito.