Mareykanka oo sheegay inay Soomaaliya ku dileen 3 ka tirsan dagaalyahannada ISIS

Mareykanka oo sheegay inay Soomaaliya ku dileen 3 ka tirsan dagaalyahannada ISIS

Muqdisho (Raxanreeb) — Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish.

Africom, ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan, oo ahayd dhanka cirka ayaa ka dhacday deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS,” ayaa lagu yiri war qoraal ah, oo kasoo baxay taliska Africom.

Sidoo kale Africom ayaa sheegtay in marnaba aysan jirin wax khasaare ah, oo kasoo gaaray dadka shacabka ah, duqeyntan ka dhacday deegaankaasi.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masu’uliyadiida sheegatay dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena Puntland, sheegtay in aysan ciidamo dowladda federaalka aysan joogin Puntland.

Maalmo kaddib waxaa la xaqiijiyay in duqeymaha ay sheegatay Dowladda Federaalka ay buuraleyda Caalmadow ee gobolla Sanaag ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fulin karin dhulka Puntland, sidoo kalena Puntland, ay isku filiantahay.

Si kastaba hasa yeeshee, beenintaasi ayaa timid kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya, sheegatay in duqeyn ay ka fuliyeen, Buuraha Calmadow, ayna dileen saddex ka mid ah, horjoogeyaasha, kooxda Daacish, iyo 20 dagaalyahanada ka imid ah.

Dhowaan ayay ahayd in Daacish, qoraal ay soo saareen ku sheegtay inay ka dambeyeen weerar loo adeegsaday qarax miino oo Talaadadii ka dhacay mid ka mid ah, degmooyinka magaalada Muqdisho.

Daacish oo qoraalkeeda ku baahisay baraha Internetka ayaa ku sheegtay in qaraxaasi ay la eegatay ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmada Dayniile, ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Kooxdan ayaa sheegatay inay weerarkan ay ku dishay ugu yaraan 2 askari, ayna ku dhaawacday 4 kale oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la qarxiyay ee ku yaalla degmadaasi.