Markabkii dhawaan la afduubtay oo kusoo xirtay dekadda Boosaaso

Markabkii dhawaan la afduubtay oo kusoo xirtay dekadda Boosaaso

Dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland waxaa shalay kusoo xirtay markabkii ugu horreeyey ee wada badeecad ganacsi oo konteenaro ah, kaddib markii dhawaan la dhisay qeyb cusub oo dekadda lagu soo kordhiyay.

Markabka M.V. Martin One oo wada badeecado kala duwan oo konteenaro ah ayaa kasoo shiraacday dekad kutaalla dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna markabkan kusoo xirtay si weyna loogu soo dhaweeyay dekadda magaalada Boosaaso.

Maamulaha kastamada gobolka Bari, Maxamed Yuusuf Maxamuud,  oo ka hadlay munaasabad markabkan lagu soo dhaweenayay ayaa sheegay imaanshaha markabkan wada konteenarada in ay qayb ka tahay dadaaladii maamulka Puntland ku bixiyay horumarinta dekadda.

” Waa guul usoo hoyatay Dowladda Puntland iyo shacabkeeda mar haddii maraakiib noocan ah noo yimaadaan, waxaa meesha ka baxaya khasaarihii soo gaari jray badeecadihii laga soo wareejin jiray konteenaradii lagu keenay dekedaha qaarkood, sidoo kale kobcinta dakhliga ayay qayb ka qaadan doonaan waana dadaaladii Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.” Ayuu yiri; Maamule Maxamuud Yuusuf.

Leave a Reply

Your email address will not be published.