Mas’uuliyiin goordhow gaaray degaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug

Mas’uuliyiin goordhow gaaray degaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug

Mudug ( Raxanreeb) Wafdi ballaaran oo ka kala socday Puntland iyo Galmudug ayaa maanta gaaray goobihii shalay dirirtu ka dhacday, safarkaan ayaana ujeedadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa laba beelood.

Wafdiga ayaana la kulmay dhinacyada dirirtu dhex martay iyagoona xooga saaray sidii loo joojin lahaa xabada iyo dhiiga daadanaya.

Kulamo gooni gooni ah ayay la kala qaadanayeen maamulada gobolka Puntland iyo Galmudug, horjoogayaasha ciidamada hogaaminayey, Odayaasha dhaqanka labada beelood iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambayntii wafdiga ayaa ku guulaystay inay labada dhinacba ku qanciyaan xabad joojin iyo in la kala qaado ciidamada is hor fadhiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.