Mas’uuliyiintii ugu badnaa ee degmada Hodan oo Shabaabnimo loo Maxkamadeeyay

Mas’uuliyiintii ugu badnaa ee degmada Hodan oo Shabaabnimo loo Maxkamadeeyay

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa la horgeeyay illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiyeyaal waaxeed oo kala duwan.

macluumaadka qaraxyada ka keeni jiray deegaanka Daarusalaam iyo xaafadda Carafaad, isaga oo ah wadaad Tabliiq ah, hadane ka tirsan shabakaddan ka midka ahayd Shabaab.

Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa iyadana loo maxkamadeeyay inay shaqo basaas ah ka qabatay degmada Hodan iyo xarunta xisbiga, sidoo kalena ay baraha bulshada ka taageertay Al-Shabaab, ayada oo gaaleysiisay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Xidigle Xoogga Cawil Jaamac Cabdule Xiirey guddoomiyihii laanta 5-aad ee Midnimo, waaxda October ee degmada Hodan, Raxmo Cabdi Cabdishkuur Cali Muumin (Sandheer) guddoomiyihii laanta labaad ee Feer-Feer, Maxamuud Axmed Siyaad Barre (Muruq) guddoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Hodan, Sharmaarke Muuse Ismaaciil Caraale guddoomiye ku xigeenkii waaxda Kacaan, ahaana guddoomiyaha isboortiga ee waaxda, Asiili Maxamed Dhicisow Faarax guddoomiye laameedkii waaxda Taleex, kuna magacowneyd laanta Al-barako iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) oo ahaa guddoomiyaha laanta afaraad ee waaxda Kacaan ayaa dhammaantood ka siman eedda ah inay qaabilsanaayeen qaybta basaasnimada ee maamulka degmada Hodan.

Intaas kadib ayaa waxaa la dhegeystay doodda u dhexeysay xeer ilaalinta maxkamadda iyo qareenada difaacayay eedeysanayaasha, taas oo waqti dheer qaadatay.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga maxkamadda soo xiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), isaga oo ku dhawaaqay in go’aanka kama dambeysta ah ay maxkamadda dib ka shaacin doonto.