Hargeysa (Raxanreeb online) – Jamhuuriyadda kaligeed isugu dhawaaqday madaxbannaanida waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinimada iyo ururada siyaasadda, oo labadii sano ee lasoo dhaafay uu ka taagnaa muran farabadan.
Doorashadan oo loo madlanyahay maalinta beri ah ayaa noqoneysay tii sideedaad oo ka dhacday Somaliland tan iyo markii ay ku dhowaaqday in ay ka go’day Somalia, 33-sano kahor.
Hoggaaminta maamulka Somaliland waxaa ku baratamaya saddex musharax oo kala ah, Musharax Muuse Biixi Cabdi, oo ka socda Xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Ciro oo ka socda Xisbiga Wadani iyo Feysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga UCID.
Madaxweynaha hadda talada haya ee Muuse Biixi Cabdi, waxaa ladoortay sanadkii 2017-kii, isagoona hadda markale usharaxan in uu hoggaamiyo Somaliland ayaa waxaa uu xilka hayaa muddo toddobo sano ah, doorashadda Somaliland ayaana ah shantii sanaba in ladoorto madaxweyne cusub, taas oo Muuse hadda ku ah sharci daro, diktaatooriyad iyo mid dileysa sharafkiisa hoggaamineed.
Musharaxiintan saddexda ah ee ku baratamaya qabashada madaxtinimo ee Somaliland ayaa mid koodba sameeyay ballanqaadyo, intii ay kuguda jireen olo lohooda doorashad.
Madaxweyne Biixi oo horaantii sanadkii ee 01-dii January 2024 heshiis is afgarad oo Badda Cas ah lagalay Itoobiya ayaa fagaare cad ka sheegay in uu sii wadi doono heshiiskaas, isagoona sheegay in muhiim utahay Somaliland si ay aqoonsi ugu hesho, balse heshiiskaas ayaan wali hirgalin.
Cabdiraxmaan Ciro ayaa mar uu wareysi bixiyay sheegay in uu soo celin doono heshiiska Somalia iyo Somaliland haddii ay kujirto danaha Somaliland, isagoona sheegay in uu xoogga saari doono arrimaha ammniga iyo isku duubnida shacabka Somaliland.
Feysal Cali Waraabe ayaa isna dhankiisa sheegay in muhiimadiisu koowaad ay tahay in Somaliland hesho aqoonsi dhab ah, si ay wax ula qeybsato dowladaha kale ee dariskeeda ah.
Sanadkan waxaa aad ukorortay tirada cod bixiyeyaasha.
Doorashadda dheceysa maalinta beri ah oo ku beegan 13-ka November 2024 ayaa ah mid aad kaga duwan doorashooyinkii hore uga dhici jiray Somaliland, waxaana aad ukorortay tirada cod bixiyeyaasha sanadkan ayaa kor waxa ay gaartay 1,227,48 oo qofood, halka goobaha laga codeynaayo ay yihiin 24,650 goobood.
Dadweynaha ayaa ukala ucodeyn doona madaxweynaha iyo Ururada siyaasadda.
Doorshada sanadkan shacabku waxa ay si toos ah udooran doonan saddexda Xisbi ee Somaliland kajiri doona 10-ka sano ee soo socoto.
Waxyaalaha lagu soo kordhiyay sanadkan doorashada, waxaa kamid ah oona markii ugu horeysay laisticmaali doona, nidaamnka hubinta indhaha, si looga dheeraado in codbixiyeyaashu ku codeyn kaarar aysan laheyn, iyadoona deegaannada oo dhan qalabkaasi lawada dhigi doonin, arrintan ayaana khilaaf badan ka tagaan iyadoo ugu dambeyn, ay Xisbiyadu iyo koomiishanka doorashooyinka ay ku heshiiyee bishii August ee sanadkan.
Guddoomiyah guddiga doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay in qalabkan uu gacan weyn ka geysan doono hubinta codbixiyeyaasha.
Waxaa jira goobo oo doorashooyinkii hore laga codeeyay balse hadda aaan laga codeyn doonin.
Goobaha ay sanadkan doorashada ka qabsoomi doonin waxaa kamid ah magaalada Laascaanood oo markii hore ay ka dhici jirtay doorashada iyo goobo kale.
In Laascaanood doorasho ka dhicin waxaa sabab u ah in dagaal uu ka dhacay, iyadoona maamulka Somaliland ugudambeyn lagala wareegay gacan kuheynta magaalada Laascaanood.
Milateriga Somaliland iyo Ciidanka deegaanka ee Laascaanood ayaa dagaal ku dhexmaray bishii february ee sanadkii tegay, Laascaanood waxaana haatan kajira maamul SSC-Khaatumo ladhoho.
Ammaanka doorashada Somaliland oo sanadkan aad loo adkeeyay.
Waxaa aad looga taxadarayaa ammaanka doorashada Somaliland maadaama ay tahay doorasho xiiso badan lagana wardhowrayo natiijada doorashadaasi iyo cida kusoo baxda madaxtinimad maamulkaas.
Waxaa si qaas ah looga taxadarayaa goobo gaar ah oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan khalalaasooyin ku yimaada doorashada, taliyaha ciidanka boliiska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa ka hadlay ammaanka doorashada ayaa sheegay in aad looga taxadaray ammaanka doorashada, haddii ay dhacdana khalalaase ku yimaada doorashada ay jiraan ciidamo loo diyaariyay in ay jiraan ciidamo ka jawaabaya.
Waxaa sidoo kale, ammniga doorashada ka qeyb qaadanaya Milateriga Somaliland, waxaana loo diyaariyay tiro gaareysa 2,500 oo askari, taliyaha ciidanka milateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ammniga gudaha loogu talagalay boliiska balse ay kala qeyb qaadan doonaan dhankooda.
Leave a Reply