Maxaa ka socda caasimada dalka Indonesia ?

Jakaarta ( Raxanreeb Online) Guud ahaan caasimadda Indonesia waxa ka dhacaya mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo dhimashada darawal mooto-bajaajle ah oo uu ku dhacay gaari booliis ah intii ay socdeen mudaaharaadyo dhacay Khamiistii.

Darawallo, arday iyo dad kale ayaa ku soo buuxiyay agagaarka xarumaha Baarlamaanka iyo Booliska ee Jakarta, iyaga oo dhagxaan ku tuurayey albaabada, kuna dhawaaqayay “Dilaa!

Ciidamada ayaa la dhigay meelaha qaar. Iskuuladuna waxay u ogolaadeen ardayda inay goor hore baxaan, halka shaqaale badan loo sheegay inay ka shaqeeyaan guriga.

Mudaaharaadayaasha oo markii hore ka cabanayey hab-nololeedka qaniga ah ee xildhibaannada, ayaa hadda ku fiday magaalooyinka waaweyn ee Indonesia .

Qalalaasaha ayaa loo arkaa tijaabo muhiim ah oo uu wajahayo madaxweyne Prabowo Subianto, taas oo ku aada dadka oo ka careysan shaqo la’aan, mushaar yari, canshuuro badan iyo sare u kaca maciishada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.