Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya shir u dhaxeeya wasiirada maaliyada maamul goboleedyada iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maanta oo Axad ah waxa magaalada Muqdisho soo gaaray xubno ka socda maamul goboleedyada kuwaas oo caasimadda kaga qayb gali doono shirkan u dhaxeeya labada dhinac.
Wasiirka maaliyada maamulka Puntland Xasan shire iyo xubno kale ayaa soo gaaray magaalada kuwaas oo ka qayb gali doono shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.
RBC ayaa ogaaday in shirkan inta u socdo lagu soo hadal qaadi doono sidii loo dhamayn lahaa khilaadfka Dowladda Federaalka iyo maamul – Goboleedyada.
Dhawaan madaxda Wasiirada maamul goboleedyada dalka ayaa ka dhawaajiyay in ay joojiyeen wada shaqayntii ay lahaayeen Wasaaradda maaliyada maaliyadda xukuumada Federaalka.
Wasiiradahan ayaa arintan u sababeeyay ka dib markii ay ku eedeyeen Wasaaradda maaliyada ay ka baxday heshiisyadii ay ku wada- shaqaynayeen labada dhinac shantii sanno ee la soo dhaafay.
Leave a Reply