Guuxa Maanta ka jira magaalada Garoowe !!

Guuxa Maanta ka jira magaalada  Garoowe !!

Garoowe(Raxanreeb ) Maanta oo Axad ah waxa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka jira guux la xiriira isbedel Madaxwaynaha Puntland uu ku sameynayo laamanaha amiga maamulkaas.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa la saadalinayaa in maalmo ka dib in xilka qaadis ku sameeyo agaasimaha guud ee Hay’adda PISA Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte).

Arintan ayaa si aad ah waxa ay u soo shaac baaxday maalmihii la soo dhaafay , taas oo maanta aad u hareysay Hay’adaha maamulka Puntland.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in arintan uu kala kulmi doono culays xaga siyaasadda sida ay sheegayaan dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa horey isbedalo ballaaran ugu sameeyey hogaanka ciidamada maamulkaasi, sida Booliska iyo PFS-ta.

Hay’adda PISA ayaa ka mid ah Hay’adaha aad ula dagaalama kooxaha xagjirka ah sida Al- Shabaab iyo Daacish , waxaana inta badan la arkaa iyaga oo ka dagaaalamaya buuraha galgala.

Xiliigan Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa wajahaya xaalad adag oo sabab ah khilaafkiika dhashay isbedelada laamaha amniga Puntland.

Guuxa maanta ka jira magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntlan waxa sii dheer in cabsi laga qabo in haddii isbedelkan lagu sameeyo Hay’adda PISA ay ka dhalan karto jahwareer xaga siyaasadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.