Maxaa naga si ah Soomaaliyeey?

Maxaa naga si ah Soomaaliyeey?

Nairobi (Raxanreeb )-Soomaalidu waa ahlu towhiid, sadaqada iyo Salaaddana waan ku fiicanahey, oo dunida meel kasta ood gaarto, masaakintu qofka Soomaaliga ah way ku soo shirayaan, masaajiddadana Soomaali uunbaa buuxda, xajkana waanba isku feernaa sidaan u buuxno, welina waxbaa si naga ah!

Aniga aragtideyda, waxaa naga maqan mabda’a midnimo iyo wadajir, oo qof kasta wuxuu doonayaa in uu kaligiisa noolaado, kaligiis madax noqdo, kaligiis janno shaqeysto, kaligiis aakhiro iyo adduunba liibaano, taas oo aanan ka dheehan nuxurka risaalada nabi Maxamed CSW.

Nabigu, CSW, markuu yimid Madiina, wuxuu mideeyey oo walaaleeyey labadii qabiil ee ugu tunka buurnaa Magaalada, Ows iyo Khazraj, oo muddo dheer cadow isku ahaa.

Mideynta Ows iyo Khazraj, waxay daaraneyd in ay si wadajir ah ugu howlgalaan hagaajinta labadooda daarood, adduunyadooda iyo aakhiradooda, xoojiyaanna dacwada Islaamka.

Raadkii Nabi Maxamed CSW ayaan hayaa, kaligey ayaana raranaya, waa riyo maalmeed aan roob lagu dageyn!

Aragti siyaasadeed ama fiqi waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waa in aysan keenin kala qeybsanaan bulsho oo cadaawad iyo xiqdi abuureysa, jareysana xargaha isku haya ummad isku diin, diir, dan iyo deegaan ah.

Niyad wanaag, midnimo iyo wadajir ma u howlgalnaa mise sidaan ayey ku caana badan tahey?

W.Q Koofi Adam.

Leave a Reply

Your email address will not be published.