Maxaad ka taqaanaa tariikhda Asad Cismaan Cabdullaahi Asad Diyaano.

Muqdisho (Raxanreeb onlin) – Golaha wasiirradda Soomaaliya oo maanta fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Shrika golaha wasiirradda oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo horey u soo hoggaaminayey ciidamada gaarka ah ee Puntand ee PSF.

Qoraalka la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha ee ay wasiiradu ansixiyeen uu yahay sarkaan aqoon iyo khibrad u leh ciidamada.

Dhanka kale, jeneraal Sulub Axmed Firin, oo sanad iyo dheeraad hayey xilkaas taliyaha ciidanaka Booliska ayaa ku biiray Golaha Wasiirada isagoo loo magacaabay wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Jeneral Asad Diyaano, ayaa laba jeer oo kala ahaa sanadihii 2019 iyo 2024 u tartamay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, labadaas jeerba wuxuu la tartamayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, waxa uu ku dhashay magaalada Galaadi ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya siddeetanmeeyadii, xilligaas uu dhalanayey Asad, aabbihii Jeneraal Cismaan Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa Jabhaddii SSDF ee fadhigeedu ahaa dalka Itoobiya.

Waxbarashadiisa hoose wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho halka waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku dhammaystay magaalada Boosaaaso ee Puntland.

Waxbarashadiisa heerka jaamacadeed waxa uu ku soo qaatay Jaamacadda Osmania ee dalka Hindiya.

Maaddaama aabbihiis uu ka mid ahaa ciidamada uuna madax ka ahaa Hay’adda PSF, Jeneraal Asad wuxuu ka mid noqday ciidamadaas, agaasimaha guud ee Ciidamada PSF, ayaa loo magacaabay intii Puntland xukumayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole isagoo xilkaas hayey ilaa sanadkii 2018-kii basle ilaa 2007-dii ayuu ka mid ahaa ciidamada PSF.

Waayo-aragnimadiisa ayaa u badan dhanka ammaanka isagoo muddo 14 sano ka shaqaynayey arrimaha ciidamada.

Waxaa kale oo uu soo noqday la taliye sare oo dhanka ammaanka ah ee Puntland.

Asad, wuxuu hoggaaminayey ciidamad PSF, xilli Puntland ay dagaallo ba’an kula jirtay ururka Al-Shabaab oo xoog ku lahaa buuraha Calmadow ee teedsan gobollada Bari iyo Sanaag.

Ciidamada PSF, ayaa sidoo kale xilligii uu hoggaaminayey waxay dagaallo la gashay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ciidamada Puntland ay kula dagaallameen xeebaha Mudug iyo Nugaal.

Ninkan horrey looma aqaan wajigiisa intii uu hoggaaminayey ha’ayadda PSF oo uu taageero Maraykanku balse wuxuu ka soo muuqday warbaahinta sanadkii 2018-kii markaas oo ku dhawaaqay inuu u taagay yahay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii dhacday sanadkii 2019-kii.

Asad, wuxuu doorashadaas lahaa saamayn weyn ka dib markii laba cod uu kaga adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni.

Muddo xileedkii Madaxweyne Deni wuxuu ka mid ahaa mucaaradkii xukuuumada markii danbe oo Puntland laga hirgaliyey nidaamka doorasho qof iyo cod ah, Jeneral Asad Diyaano wuxuu ka mid ahaa madaxda iyo asaasayashii Xisbiga Mideeye oo ka mida kuwa ugu tunka weyn ee galay doorashadaas.

Sanadkii 2024-tii wuxuu sidoo kale mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, isagoo markaasna uu ka adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni balse doorashadan wax sidaasi u weyn kuma lahayn.

Dadka yaqaanna waxay tilmaamaan inuu yahay nin ad adag oo aamus badan.

Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa muddo kooban ku sameeyey saamayn siyaasadded oo ballaaran waxaana lagu tilmaamaa inuu ku helay sidii mutuxnayd ee u mucaaraday xukuumadda uu hoggaamiyo Siciid Cabdillaahi Deni ee Puntland oo kalkiisii labaad xukunka haya.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in magacabistiisu timid xilli xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federalka uu gaaray halkii ugu xumayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.