Maxay salka ku hayaan shirarka Hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho ?

Maxay salka ku hayaan shirarka Hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta, Ganacstada iyo aqoonyahanka SSC-Khaatumo ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xirsi Timacde, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xil. Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Xildhibaanada heer Federaal ku metela SSC-Khaatumo, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda SSC-Khaatumo.

Kulanka oo is xogwaraysi xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan degaanada SSC-khaatumo ayaa kusoo dhammaaday guul iyo is-afgarad.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa in mudda ah ku sugan magaalada Muqdisho uu ka wado kulamo gooni gooni oo xaalada deegaanadaas looga hadlayo.

Ka hor kulamadan ayaa Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu safaro kala duwan uu ku tagay dalalka deriska iyo Taliyaaniga halkaas oo xubnihii uu la kulmay uu kala shiray xaaladda deegaanada maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.