Maxkamad ku taala Qatar oo 8 muwaadin oo u dhashay  Hindiya ku xukuntay dil

Maxkamad ku taala Qatar oo 8 muwaadin oo u dhashay  Hindiya ku xukuntay dil

Qatar (Raxanreeb)  Maxkamad kutaala dalka Qatar ayaa waxaa Arbacadii lasoo taagay 8 muwaadin oo udhashay dalka Hundiya kuwaas oo horey uga tirsanaa ciidanka Badda ee Hindiya.

Sidoo kale, maxkamada ayaa 8 muwaadin udhashay dalka Hindiya kuriday xukun dil toogasho ah kadib markii lagu helay in ey ahaayeen basaasiin sirdoonka Isra’iil u joogo dalka Qatar una gudbiyeen xogo muhiim ah.

Dhanka kale, Eedeysanayaasha waxay u shaqeynayeen Shirkad lagu magacaabo Dahra Global Technologies and Consultancy Services, waxayna Kooxdaasi u xil saarnaayeen Mashruuc Xasaasi ahaa oo lagu dhisayey Maraakiibta nooca Gujiska ee Badda quusta (submarines).

Eedeysanayaashan udhashay dalka Hindiya ayaa waxaa lagu eedeeyay basaasnimo waxaa lasoo xiray bishii August ee sanadkii horee 2022-kii.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Hindiya waxay cabasho ka muujiyeen Xukunka dilka ee ay Maxkamad ku taalla dalka Qatar ku rideen Muwaadiniinta Hindida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.